Jubbaland oo colaadda gobolka Gedo ku eedaysay Masar iyo Eritrea.

6 August, 2025

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeyey qaar kamid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan…

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeyey qaar kamid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea iyo marabno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.