Jubbaland oo Dagaalkii Bedelxaawo ku weyday Taliyahii gobolka Gedo

11 August, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la wareegay degaannada hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo kaddib dagaal culus…

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la wareegay degaannada hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo kaddib dagaal culus oo dhacay xalay ilaa maanta gelin hore. Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Bula-Amiin oo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo saraakiil taageersan Jubbaland waxaana hoggaaminayay ciidanka weerarka qaaday Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa sababay khasaare xooggan oo labada dhinac soo gaaray iyadoo uu ku dhintay taliyihii Booliska Gobolka Gedo ee Jubbaland Xuseen Cali Xaashi Giif oo dhaawac halis ah ugu geeriyooday isbitaalka Mandheera, Sidoo kale waxaa jira ciidamo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray, Xuseen Giif ayaa bishii June ku biiray Jubbaland kaddib markii dowladda federaalka sheegtay inay xilka ka qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Booliska Gedo ee dowladda Federaalka Aadan Maxamed Siyaad Dhafoorey uu isna ku dhaawacmay dagaalka, Dagaalkan ayaa loo arkaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Beledxaawo tan iyo markii ay isku horfadhiyeen ciidamada dowladda iyo Jubbaland.

Jubbaland ayaa dagaalka Gedo ku eedeysay dowladda federaalka inay isku leynayso ciidamada Soomaaliyeed iyadoo ay si gaar u magacaabeen in taliyaha NISA Mahad Salaad uu colaad ka wado gobolka Gedo.