War ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu cambeereeyey falkii shalay ka dhacay Muqdisho iyagoo sheegay…

War ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu cambeereeyey falkii shalay ka dhacay Muqdisho iyagoo sheegay in shacabka loo geystay barakicin iyo tacaddi, iyadoo ku tilmaamay dhacdooyinka ka socda caasimadda kuwo khatar ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jirdilay dhulkoodana xoog looga qaaday.
Sidoo kale Jubbaland waxay sheegtay in isku day dil loo geystay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta, kuwaas oo doonayay inay la kulmaan muwaadiniinta dhibaatada loo geystay, isla markaana taageero caafimaad u raadiyaan. Maamulka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loola xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu dhibaateeyay dadka iyo masuuliyiinta mucaaradka.
Jubbaland waxay ku boorrisay saraakiisha iyo ciidamada booliska gobolka Banaadir inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda, kuna dhaqmaan ilaalinta karaamada iyo xuquuqda shacabka. Waxay ku tilmaantay dhul-boobka iyo xoog ku qaadashada hantida shacabka fal lid ku ah dastuurka iyo mabaa’diida dalka.




