Jubbaland oo DFS ku eedeysay in maamul Cusub ka dhisayso Gedo.

17 August, 2025

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay magaalada Garbahaarey ka waddo abaabul maamul…

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay magaalada Garbahaarey ka waddo abaabul maamul cusub, iyadoo ay horay dowladda federaalka u sheegtay in aysan aqoonsaneyn Madaxtinimada Axmed Madoobe.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Garbahaarey lagu arkay shaqaale dowladeed oo soo dhigay boorar ka tarjumaya qorshaha dowladda ee dhismaha maamulka cusub, Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid sharci darro ah oo halis ku ah jiritaanka Jubbaland.

Maxamuud Sayid ayaa ka digay in khilaaf siyaasadeed iyo dagaallo hor leh ka dhalan karaan tallaabooyinka dowladda federaalka Wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe in ay qaaday duullaan siyaasadeed oo ka dhan ah jiritaanka Jubbaland, isagoo carabka ku adkeeyay in shacabka Jubbaland aanay aamusnaan doonin.

Sayid wuxuu sheegay in Jubbaland tahay maamul sharciyeysan oo dhisan islamarkaana aan la aqbali doonin in si kale loogu beddelo Wuxuu xusay in haddii wada hadal la diido ay diyaar u yihiin in ay tallaabooyin ficil ah qaadayaan.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda gobolka Gedo kana tirsan hoggaanka Jubbaland ayaa ku hanjabay in aysan u dulqaadan doonin faragelinta dowladda federaalka, Wuxuu sheegay in shacabka Jubbaland ay diyaar u yihiin iska difaac isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh aanu kursiga ku sii fadhin karin haddii uu arrintan ku adkeysto.