Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay si sharci-darro ah ula wareegtay shixnad qalab…

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay si sharci-darro ah ula wareegtay shixnad qalab kalluumeysi ah oo loogu talagalay kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada dalka, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland oo sheegay in qalabkii loogu talagalay mashruuca horumarinta kalluumeysiga uusan gaarin goobihii loo qorsheeyay.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay jebinayso heshiisyadii hore ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isagoo xusay in Jubbaland ay muddo dheer cabasho ka qabtay habka loo maareeyo qalabka iyo gaadiidka lagu maalgeliyo mashaariicda caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland ayaa sheegay in maamulka uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayo waxa uu ku tilmaamay xadgudub lagu hayo qalabkii loogu talagalay kalluumeysatada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in arrintani noqotay mid soo noqnoqota, isla markaana ay jirto walaac la xiriira sida loo maareeyo hantida lagu taageerayo mashaariicda horumarinta kalluumeysiga ee dalka.
Dhanka kale, Jubbaland ayaa sheegtay inay cabashadan la wadaagtay Bangiga Adduunka, iyadoo ku eedeysay in lagu takrifalay qaar kamid ah mashaariicda horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.
Ugu dambayntiina Maamulka Jubbaland ugu baaqay Bangiga Adduunka inuu si degdeg ah uga jawaabo cabashada la xiriirta maamulka iyo maareynta mashaariicdaas, isagoo xusay in lacag badan lagu bixiyay qalab iyo gaadiid loogu talagalay kalluumeysatada balse aan loo adeegsan sidii loogu talagalay.




