Jubbaland oo eedayn u jeedisey Dowladda Somalia.

28 July, 2025

Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed kulul ka soo saartay dagaaladii ka dhacay degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee…

Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed kulul ka soo saartay dagaaladii ka dhacay degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo ay ku eedeysay in ay ku qaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo.

 “Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaalada, waxaana hoggaaminaya shakhsiga eedaysan Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland.

Dhanka kalena, Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay weerarkii Alshabaab kula wareegtey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, xilli ay DFS ku mashquulsan tahay deegaamada nabdoon ee dalka.