Jubbaland oo ka digtey duulaan DFS ku qaadday Koonfur Galbeed.

27 March, 2026

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ee Jubbaland ayaa si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur…

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ee Jubbaland ayaa si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka ah ee Somalia.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in DFS aysan waxba ka baran dagaalkii Raaskambooni, isla markaana duulaan lagu qaado Koonfur Galbeed uu sababi karo fashil milatari oo dalka soo wajaha.

Haddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sii wado duullaanka uu ku qaaday Koonfur-Galbeed, waxay u muuqanaysaa fashil siyaasadeed iyo mid milatari. Wixii ka dhacay Ras Kambooni waxay muujinayaan casharro muhiim ah oo aan la iska indho tiri karin, isla markaana laga baran karo si looga fogaado khaladaad la mid ah kuwii ka dhacay Baydhaba“, Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray,”Sidoo kale, haddii ciidanka Soomaaliyeed mar kale loo adeegsado ujeeddooyin aan qaran ahayn, waxay dhaawac weyn u geysan kartaa sumcadda ciidanka iyo sharafta dowladnimada. Taariikhdu waxay si cad u muujinaysaa cawaaqibka ka dhasha go’aamada khaldan ee hoggaaminta, gaar ahaan marka madaxdu ay ku guuldareystaan inay si xikmad leh u maareeyaan xaaladaha adag.