Jubbaland oo ka hadashay duqayntii Doolow ayaa dalbatay in Somalia dib loogu celiyo cunaqabatayntii hubka.

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u cambaareeyey duqeyn ay sheegtay in diyaarado ay leedahay Dowladda Turkiga…

4 September, 2026

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u cambaareeyey duqeyn ay sheegtay in diyaarado ay leedahay Dowladda Turkiga ay ka fuliyeen degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lala beegsaday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaanay Taliye Shub, oo muddooyinkii ku sugnaa Jubbaland.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarku yahay mid si toos ah u muujinaya in Turkigu ka baxay doorkii dhexdhexaadnimo ee uu hore uga ciyaari jiray arrimaha Soomaaliya, waxayna Jubbaland sheegtay in weerarka lagu qaaday guri ku yaalla degmada Doolow, iyadoo sidoo kale ku eedeysay Turkiga inuu ku lug yeeshay arrimo ay tahay in dhinacyada Soomaalidu dhexdooda ku xalliyaan.

Jubbaland waxay si gaar ah u sheegtay in “Turkiga hadda ka dib aan loo arki doonin dhexdhexaad,” iyadoo dalbatay in dib loo eego xaaladda cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, kadib xad-gudubyo ay sheegtay in lagu sameeyey hubkii loogu talagalay la dagaalanka cadawga.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay bishii December 2023 qaaday cunaqabatayntii hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya, waxaana Jubbaland dalbatay in la sameeyo dibu-eegis buuxda ama Soomaaliya dib loogu celiyo cunaqabatayntii hubka si meesha looga saaro khatarta adeegsiga siyaasadeed ee hubka culus.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga inay si wadajir ah ugu lug leeyihiin duqeynta, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhaawacayso kalsoonidii lagu qabay doorka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay beesha caalamka inay si dhow u eegto waxa ay ku tilmaantay faragelin lagu sameynayo arrimaha gudaha ee dalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inuu si buuxda u taageerayo dalabka Soomaaliya ee ku aaddan ka qaybgalka ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, balse wuxuu xusay in heshiisyada iyo taageerada caalamiga ah aysan noqon karin kuwo loo adeegsado dano siyaasadeed ama ciidan oo ka dhan ah maamul goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed.