Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan siyaasadeed oo cusub, kaas oo si rasmi ah dastuurka…

Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan siyaasadeed oo cusub, kaas oo si rasmi ah dastuurka uga saaray magaca “Dowlad-goboleed”, iyada oo lagu beddelay magaca “Dowladda Jubbaland”. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa shacabka iyo warbaahinta u sheegay in isbeddelkan uu dhaqan galay ilaa markii wax ka bedel lagu sameeyey Dastuurka Jubbaland.
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in wixii ka dambeeya ku dhawaaqistan aan mar dambe loogu yeeri karin Jubbaland “maamul goboleed”, balse ay tahay in si sharci ah oo dastuur ku qoran loogu yeero “Dowladda Jubbaland”. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka Jubbaland uu si aqlabiyad leh u meel mariyay wax ka beddelkaas.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha, go’aanka ayaa ka dhashay rabitaanka shacabka Jubbaland oo doonaya in maamulkoodu yeesho awood mideysan iyo sharciyad u dhiganta qaab dowladnimo oo buuxa. Waxa uu tilmaamay in bulshada Jubbaland ay door weyn ku lahaayeen ansixinta taladan, taas oo uu ku qeexay “go’aan shacab”.
Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ka socdaan dooddo ku saabsan mustaqbalka federaalka, awoodaha dowlad-goboleedyada, iyo qaab-dhismeedka siyaasadda dalka. Go’aanka Jubbaland ayaa u muuqda mid dhali kara dood cusub iyo in Jubbaland ay ku dhawaaqdo dowlad u dhaqanta si madax banaan iyadoo horay ay u jeeday jidkaas Puntland.



