Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso ciidamo…

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso ciidamo Soomaaliyeed oo aan colaad hore ka dhaxayn kadib dagaal culus oo ka dhacay Beledxaawo kuna dhexmaray labada ciidan.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay isku dayayso inay xoog ku qabsato gobol ka tirsan Jubbaland isla markaana ciidankii nabad-sugidda loo adeegsaday weerar ka dhan ah shacabka Beledxaawo.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka Gedo gumaad wuxuuna sheegay in Jubbaland dacwad uga gudbin doonto beesha caalamka, isagoo xusay in labada dhinac ee dagaallamaya ay mushahar ka qaataan dowladda dhexe.
“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” Ayuu yiri Maxamuud Sayid.
Sidoo kale wuxuu eedeeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad in loogu magacaabay si gaar ah in loogu dhibaateeyo maamulka Jubbaland iyo shacabka gobolkaas Gedo.
Dagaalka Beledxaawo ayaa sii kordhiyay xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland halka shacabka gobolka Gedo ay weli ku jiraan xaalad cabsi dagaal.



