Jubbaland oo ku goodisey inay ka tashan doonto hanaanka siyaasadeed ee Somalia.

6 June, 2025

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo Masuuliyiin iyo dadweyne Kala duwan…

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo Masuuliyiin iyo dadweyne Kala duwan salaada Ciidul Adxaa kula tukaday Masaajidka Madaxtooyada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, ayaa ugu horrayn dhaliil ujeediyey damaca DFS iyo siyaasiyiinta lajira ay ka wadaan gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaamada Jubbaland, wuxuuna sheegay in shacabka iyo maamulka ka dhiiran yihiin tallaabooyinkaasi.

“Dadbaa raba inay ka soo bilaabaan anaa layga qabsaday, anaa hada qabsanaya iyo anigaa reer hebel ah, nidaam iyo kala dambayn ayaan haysanaaye aan maamulkeena u hiilino, nimanka raba inay nagu celiyaan wixii la soo maray waa riyoodeen”, Ayuu yiri Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Markale ayuu yiri,”Waa tashanaynaa kuwa soo hanqaltaagayana waxaan leenahay samirkii waa naga dhammaaday waana tashanaynaa, Jubbaland waxaad ka damacdeenna Alle ayaa diidey”.