Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo…

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo iyo weerarkii Alshabaab 13 sano kadib kula wareegtey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar ayaa ku eedeeyey madaxda DFS inay colaad ka wadaan gobolka Gedo xilli ay Alshabaab qabsanayso qaybo kamid ah degmooyinkii nabdoonaa ee dalka.
Wasiirka ayaa nasiib-darro ku tilmaamay qabsashadii Alshabaab ee Maxaas xilli ay DFS maalmihii la soo dhaafay ciidamo ku daabulaysay deegaamo katirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan degmada Beled-xaawo oo dagaalo ka socdaan.
“Ceeb iyo fadeexad waxaa Xasan Shiikh ugu filan in AS in maanta ka qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halka uu dagaal ka hurinayo degmada Baledxaawo ee gobolka Geddo”, Sidaasi waxaa yiri Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.



