Jubbaland ayaa ku eedaysay dowladda federalka ah ee Somalia mas’uuliyad darro iyo kala burburinta dalka, iyadoo…

Jubbaland ayaa ku eedaysay dowladda federalka ah ee Somalia mas’uuliyad darro iyo kala burburinta dalka, iyadoo sheegtay inuusan dhaqan-gal noqon doonin waxka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka.
“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka baddelka dastuurka”, Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland.
Jubbaland waxay sheegtay in arrintaan ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Somalia“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, iyada oo xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka uu dabada ka riixayo madaxweynaha waqtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay nafdooda.”





