Maamulka Jubbaland ayaa Qaramada Midoobey u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda federalka ah ee Somalia,…

Maamulka Jubbaland ayaa Qaramada Midoobey u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda federalka ah ee Somalia, iyadoo ku eedaysay faragelin toos ah iyo burburin lagu hayo maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Jubbaland ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka Gedo iyo saameynta ka dhalatay ficillada dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweynuhu ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay wado qorshe “guracan” oo lagu wiiqayo amniga gobolka, lagu xayirayo garoomada diyaaradaha, isla markaana lagu joojiyay mashaariicdii iyo adeegyo muhiim ah oo bulshada gobolka Gedo ay ku tiirsanaayeen.
Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto gogol nabadeed oo la qorsheeyay in lagu qabto degmada Luuq bil gudaheed. Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga digay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay “cawaaqib xumo siyaasadeed iyo amni” oo ka dhalan karta ficillada dowladda Federaalka, isagoo sheegay in kooxda Villa Soomaaliya ay ka leexatay dastuurkii federaalka ee lagu heshiiyay.
Ugu dambayntiina Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay odayaasha iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo inay meel uga soo wada jeensadaan qorshaha dowladda Federalka ah ee Somalia ku doonayso inay Jubbaland cusub uga dhisto gobolka Gedo.



