Jubbaland oo shaacisay inay leedahay dhammaan hubka yaalla gobolka Gedo.

7 August, 2025

Xukuumadda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Gedo,…

Xukuumadda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Gedo, xilli laga cabsi qabo dagaal dib uga qarxa degmada Beled-xaawo.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay xiisad colaadeed ka abuurayso gobolka Gedo isla markaana ay sababi doonto xiisad heer gobol ah.

Dhanka kalena, Jubbaland ayaa sheegtay inay leedahay mulkiyadda dhammaan hubka yaal gobolka Gedo marka laga reebo inyar oo ay Jubbaland gaar u tilmaantay.