Kadib wadatashi qoto dheer oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku…

Kadib wadatashi qoto dheer oo ay ka yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland, mas’uuliyiinta Labada Heer ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jubaland, iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada wax ka beddelka aan loo dhamayn ee Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa, Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn habraacyada iyo tallaabooyinka lagu wado wax ka beddelka Dastuurka, maadaama wadiiqooyinka loo marayo ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii lagu dhisay Dastuurka.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland ayaa si wadajir ah uga maqan dhammaan geeddi-socodka iyo habraacyada lagu wado wax ka beddelka Dastuurka, taas macnaheedu waa in Jubaland aan si rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo ka soo baxda hanaankaas.
Sidaas awgeed, Dowladda Jubaland waxay si cad u sheegaysaa in dadka iyo deegaanada Jubaland aan lagu dhaqii doonin, lagana aqoonsan doonin, go’aan kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa, iyadoo aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay.
Dastuur kasta oo lagu meel mariyo hannaan aan loo wada dhammayn, isla markaana aan ku salaysnayn heshiis qaran iyo is-afgarad buuxa, ma noqon karo mid ka tarjumaaya masaalixda guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Jubaland waxa ay miiska u saaran dhammaan xulashooyinka la heli karo haddii uu dhammaado muddo-xileedka sharci ah ee Hay’adaha Federaalka, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka qaran, isla markaana ay sii socdaan isku dayada la isugu geynayo go’aamada masiiriga ah ee aan laga talo gelin dadka reer Jubaland iyo Xildhibaanada Jubaland ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




