Maamulka Jubbaland oo ka jawaabaya hadal ka soo yeeray wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga xukuumadda Somalia ayaa sheegay…

Maamulka Jubbaland oo ka jawaabaya hadal ka soo yeeray wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga xukuumadda Somalia ayaa sheegay in madaxda ku sugan Xalane aysan ku qasbanayn inay tagaan Villa Somalia.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland u joogaan Muqdisho badbaadada dalka, haseyeeshee aysan ku qasbanayn inay tagaan Madaxtooyada.
“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tagaan Madaxwtooyada Soomaaliya, waxaan Muqdisho u nimid inaan Soomaaliya bad baadino”, Cabdifataax Mukhtaar Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Madaxda dowladda federalka ah iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed isku marila’yihiin madasha lagu qabanayo shirka labada dhinac ee looga hadlayo xaaladda dalka, ayna Madaxda Puntland iyo Jubbaland ka biyo diideen gaaritaankooda Villa Somalia.



