Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib in muddo…

Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib in muddo ah oo ay gacanta ku hayeen ciidamo iyo maamul taabacsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Ciidamada maamulka Jubbaland oo ag weheliyaan mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol ee Jubbaland ayaa gudaha u galay magaalada, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimid xaaladda maamul iyo amni ee Beledxaawo, xilli ay DFS dedaal ku bixinaysay sii adkaysiga beledxaawo kadib soo ifbaxa heshiiskii Janan iyo Axmed Madoobe.
Boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Beledxaawo ayaa dhigay dibadbax ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan maamulka Jubbaland, waxaana shacabku muujiyeen sida u taageersan yihiin Jubbaland iyo isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dhanka kale, Cabdirashiid Janan oo ahaa taliyihii NISA ee gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka, isla markaana heshiis la gaaray maamulka Jubbaland, ayaa la sheegay inuu diyaarad ciidan kaga baxay magaalada Beledxaawo, isaga oo u dhaqaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.




