Jubbaland oo soo bandhigtay warshad Alshabab qaraxyada u samayn jirtey.

15 February, 2026

Taliska nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in la qabtay warshad farsamaysa walxaha qarxa…

Taliska nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in la qabtay warshad farsamaysa walxaha qarxa oo Alshabaab ku lahayd dhulka Badda-madaw ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe.

War qoraal ah oo ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka sirdoonka Jubbaland ay gacanta ku dhigeen warshaddaasi oo Alshabaab ku diyaarinaysay qaraxyadii ugu badnaa.

“Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida Jubaland iyo ciidamada daraawiishta Jubaland ayaa gacanta ku dhigay warshadii miinada ee argagixisada Al-shabaab ay ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan Laagta Hola-wajeer & agagaarkeeda”, Ayaa lagu sheegay warbixinta.

Dhanka kalena, warbixinta Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay hal meel oo keliya laga soo qabtay 90 xabo oo miino ah iyo warshadii lagu samaynayay, kuwwaas ay xustay in loo qorsheeyey in shacabka lagu waxyeeleeyo.