Maamulka Jubbaland ayaa gobolka Gedo ku soo bandhigay sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulkaasi oo…

Maamulka Jubbaland ayaa gobolka Gedo ku soo bandhigay sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulkaasi oo horay ciidamo ugula goostay DFS, xilligaanna dib ugu noqday Jubbaland.
Sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Muxumed Saadey kana mid ahaa ciidamadii horay ugu biiray ciidanka DFS ku abuurtay degmada Baladxaawo ayaa dib isugu soo dhiibey ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland, kadib markii looga baxay ballamo ay la galeen madaxda dowladda Somalia.
“Maalinkii ay bahashu xumayd ayaan DFS u galay waan dhaawacmay , Xamar ayaan tegey dowladdu wixii ay ii balanqaadayna waan ka waayey ciidankii aan wareejiyey maalinkii loo khudbeeyey ayaa ugu dambaysay wax xuquuq ah weli ma helin, waxaana diyaar u ahay inaan la shaqeeyo Jubbaland, shacabkana waxaan leeyahay yaan laydin qaldin”, Ayuu yiri Maxamuud Muxumed Saadey.
Taliyaha hogaanka amniga iyo xasilinta ee ciidanka daraawiishta Jubaland ee degmada Baladxaawo Taliye Xasan Cibaad ayaa sarkaalkaan ku soo dhaweeyey degmada Beledxaawo, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta cidkasta oo ku soo laabanaysa maamulka.