Jubbaland qaadacday waxka beddelka dastuurka Somalia.

28 January, 2026

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad u beenisay warka ay soo…

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad u beenisay warka ay soo saartay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriiray geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin hadallada DFS, islamarkaana Jubaland aysan qeyb ka ahayn geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, maadaama aan lagu saleeyn hannaan sharci ah oo waafaqsan heshiisyadii hore ee lagu dhisay nidaamka federaalka.

Dhanka kalena, bulshada rayidka ah ee Jubbaland ayaa qaadacday inay talo bixin ku lahayd waxka beddelka cutubyo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somalia.