Kadib doorashadii Baydhabo Lafta-gareen oo si adag ula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maanta markale ku soo baxay doorashadii…

28 March, 2026

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maanta markale ku soo baxay doorashadii Baydhabo ayaa weerar ku qaaday Madaxda dowladda Federalka ah ee Somalia.

“Iyadoo lagu jiro xaalad abaareed, duulaan nalaku soo qaaday iyo isir-nacayb ayaa markale xilka iidoorateen, waxaanna noqon doonaa mid iskuhaya Koonfur Galbeed dalkana aan xadgudub ku samayn, wixii aan ka soo shaqaynaynay waxay ku soo dhammaatay ansixinta dastuur dalkii oo dhan ka qaylinayo, maalinkii la ansixiyeyna layiri dalka cidkale wax laga waydiin mayo garoomadii ayaa layska xirtay”, Ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweyna Maamulka Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray,”waxay maraysaa waa ku dilayaa ama waa ila jiraysaa, anigaa kuu fekerayaa wixii aan sameeyo gacantaa taagaysaa ayey maraysaa Somalia maanta.”

“Waxaan u dulqaadanaynay dalka isku haya laakiin waxaa nalaku yiri wax dambe laydinkama baahna iska baxa iyadoo cibaado lagu maqan yahay ayaa nala jiri Koonfur Galbeed DFS ayaa xukunta mana jiro wax Koonfur Galbeed la yiraahdo oo dambe, wasiirka arrimaha gudaha DFS haddii uu awood lee yahay muxuu Maamul ugu magacaabi waayey degmadii uu ka soo jeedey ee Garoowe”, Ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.