Magaalada Garoowe waxaa maalinimada Axadda ah oo ku beegan 15-ka June ka furmaya kal-fadhiga 56aad ee…

Magaalada Garoowe waxaa maalinimada Axadda ah oo ku beegan 15-ka June ka furmaya kal-fadhiga 56aad ee mudanayaasha golaha wakiilada dowladda Puntland.
Furitaanka kal-fadhigaan ayaa lafilayaa inuu khudbad dastuuri ah ka jeediyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadli doona waxqabadka xukuumadda, dagaalka dabar goynta argagixisada iyo arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Barlamaanka waxaa kal-fadhigaan mudada uu socdo lafilayaa inay ajandayaashooda ku soo daraan arrimaha kala guurka SSC KHATUMO & Puntland, qaabaynta awood qaybsiga maamul ee Puntland, xuduudaha, qulqulka tahriibka iyo la xisaabtanka xukuumadda.
Kal-fadhigaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah dhaqanka SSC ku dhawaaqay qabashada shirweyne ay isugu imaanayaan dadkii Puntland wada dhistay 1998 si laysula meeldhigo qaabka ay u ekaan doonaan Puntland iyo SSC KHATUMO, Juquraafi ahaan, siyaasad ahaan iyo waxqaybsiga beelaha guud ahaan.