Kal-fadhigii barlamaanka Puntland oo xirmay la xisaabtan la’aan xukuumadeed.

8 December, 2025

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shir guddoomiye fadhigii 23aad ee kal-fadhiga 57aad oo ay…

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shir guddoomiye fadhigii 23aad ee kal-fadhiga 57aad oo ay yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland.

Kulanka ayaa xildhibaanadu dood adag kaga yeesheen arrimaha tahriibka oo noqday masiibo halakaysay dhalinyaradii Soomaaliyeed saamayn weynna ku yeelatay qoysaskooda.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa intaas kadib ku dhawaaqay guddi gaar ah oo xog ururin iyo talo bixin ka soo samayn doona kuna soo celin doona kal-fadhiga xiga ee barlamaanka Puntland yeelan doonaan 2026.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la gaarey dhammaadka kal-fadhigii 57aad ee barlamaanka Puntland, ayna dhammaystireen dhammaan qodobadii kujirey ajandaha kal-fadhiga isagoo xildhibaanada faray inay kormeeraan xaaladda deegaamadii laga soo doortay.

Horay ayaa xildhibaanadu ajandohooda uga saareen qodob la xiriirey la xisaabtanka qaar kamid ah wasaaraddaha qaabilsan arrimaha bulshada oo ay ahayd in su’aalo laga waydiiyo shaqooyinka ay u hayaan shacabka Puntland.