Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa shaaca ka qaadday in dib loo dhigay…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa shaaca ka qaadday in dib loo dhigay qabsoomidda kal-fadhigii golaha deegaanka degmada Galkacyo ee gobolka Mudug oo buuq hareeyey.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, iyadoo tixraacaysa warqadda summadeedu tahay MGM/XG/DPL/SOM/153/2025, kuna taariikheysan 20 Luulyo 2025, kana soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ujeeddadeeduna tahay codsi dib u dhigidda fadhiga 2-aad ee kalfadhiga 30-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgelinaysa:-
1. Soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee ah in la tixgeliyo Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, waxay Wasaaraddu dib u dhigtay fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 30-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
FG: Wasaaradda ayaa dib ka soo sheegaysa waqtiga ugu haboon ee la qaban karo kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.




