Kadib 25 maalmood oo murugo iyo halis ah oo ay ku qabeen Badweynta Hindiya, laba kalluumaysato Soomaali ah, ayaa dalkooda dib loogu soo celiyey.

Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharmarke Nuur Cabdi Aadan, ayaa ugu dambeyn si nabad ah ugu soo laabtay dalkooda, iyagoo si qiiro leh ay qoysaskoodu ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Soo badbaadintooda oo ahayd mid lagu tallaabsaday iskaashi heer sare ah ayaa waxaa hormuud ka ahayd Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo dadaal muuqda ku bixisay gurmadkooda iyo soo celintooda.
Dr. Hodan Cismaan ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeysay in iskaashi dhow lala sameeyo hay’adda Huatai Insurance iyo shaqaalaha markabka badbaadinta Shiinaha, si loo xaqiijiyo in kalluumaysatadu helaan daryeel caafimaad iyo taageero degdeg ah.
Sidoo kale, waxay wada shaqeyn dhow la samaysay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Aasiya iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Siciid Cali Mire, taas oo suurtagelisay in si degdeg ah loo diyaariyo dukumiintiyada safarka ee kalluumaysatada, iyadoo fududeysay soo celintooda.
Kalluumaysatada ayaa lagu soo badbaadiyay meel ku dhow 130 mayl-badeed oo ka baxsan Seychelles, halkaas oo doontoodii ciladaysay ay muddo dheer ku go’doonsanaayeen iyagoo aan lahayn cunto iyo biyo.
Gurmadka waxaa ka qeyb qaatay markab Shiinees ah, oo si xeel dheer uga hawlgalay sidii noloshooda loo samatabixin lahaa.
Markii ay Muqdisho soo gaareen, Ibraahim iyo Sharmarke waxay si weyn ugu mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqaalaha markabka Shiinaha.
Horseed Media