Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay dalka Haiti

19 January, 2025

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in qorshuhu yahay ugu dambeyntii in 2,500 oo askari oo booliis ah loo diro Haiti, kuwaas oo hoos yimaada howlgalka Qaramada Midoobay ay taageerto.

217 askari oo dheeraad ah oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa la geeyay Haiti, si ay qeyb uga noqdaan ciidamo caalami ah si ay u xakameeyaan rabshadaha burcadda ee dalka Caribbean-ka.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kipchumba Murkomen, saraakiishan booliiska ah ayaa ka dhoofay Kenya Jimcihii.

Ciidamada Kenya ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Port-au-Prince waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Alix Didier Fils-Aime. Ciidamadan ayaa ku biiri doona dufcadii ugu horeysay oo ka kooban 400 oo sarkaal oo la geeyay Haiti sanadkii hore.

“Imaatinka ciidamadan xoojinaya waxay astaan ​​u tahay tallaabo muhiim ah oo dalkeena looga xoreynayo shabkada dambiyada iyo soo celinta nabadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Bishii June ee la soo dhaafay, Hawlgalka Taageerada Ammaanka Caalamiga ah ee (MSS) ee ay Kenya hoggaaminayso oo hoos yimaada Qaramada Midoobay ayaa bilaabay inuu xakameeyo kororka rabshadaha burcadda.

“Howlgalka Kenya ay hogaamiso waxa uu sameeyay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo rabshadaha burcadda, isagoo kasbaday ammaan caalamka oo dhan,” ayuu yiri Mukomen.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo dadaallo dheeraad ah la sameeyay, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 85% caasimadda Haiti, Port-au-Prince, ay wali gacanta ku hayaan kooxo dambiilayaal ah.

Haiti waxay la daalaa dhacaysay rabshadaha kooxaha gaangiska ah, taasoo sababtay in in ka badan 700,000 oo qof oo u dhashey Haiti ah ay guri la’aan yihiin sannadihii u dambeeyay.

Maamulka Haiti ayaa sidoo kale sheegay in 5,600 oo qof ay ku dhinteen rabshadaha burcada.

Sida uu sheegay madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaa qorshuhu yahay in ilaa 2,500 oo askari loo diro Haiti.

Sannadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyey muddada hawlgalka.