Kenya: Dad ku dhintay mudaharaad looga soo horjeedo dowladda

7 July, 2025

Isu soo baxyada dalka oo dhan oo lagu xusayo 35-guuradii kasoo wareegtay kacdoonkii Dimuqraadiyada ayaa isku badalay baaq balaaran oo loogu baaqayo Madaxweyne William Ruto inuu iscasilo.

Booliska dalka Kenya ayaa rasaas ooda kaga qaaday dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda Kenya oo ka dhacayay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, sanadguuradii 35-aad ee kasoo wareegtay kacdoonka Dimuqraadiyadda, waxaana ku dhintay labo qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Laba qof ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta banaanbax maanta ka dhacday Guriga Nursing Home ee xaafadda Nairobi, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Aaron Shikuku.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada, iyagoo qaarkood ay socod ku marayeen waddooyinka xili ciidamo xooggan la dhigay bartamaha magaalada.

Dadku waxay sannad walba isugu soo baxaan 7-da Luulyo si ay u xusaan taariikhda 1990-kii markii Kenyanku ay dalbadeen in adankaasi lagu soo celiyey dimoqraadiyadda xisbiyada badan ka dib sannado badan oo xukun kaligii-talis ahaa oo uu hayay madaxweynihii xilligaas Daniel Arap Moi.

Mudaaharaadyo la mid ah oo ka dhashay musuqmaasuqa, naxariis darada bilayska iyo dhaleecaynta dawladda ayaa keenay isku dhacyo rabshado wata bishii hore.

Banaanbaxa ayaa yimid iyadoo dhalinyarada Kenyanka ah ay markale ku guda jiraan mudaaharaadyo ay sidoo kale ka dhaceen bililiqo iyo rabshado, halka xarumo ganacsi la burburiyey.

Dibad-baxayaashu waxay ku eedeeyaan maamulka inay lacag siiyaan kooxaha qaswadayaasha ah si ay u sumcad-xumeeyaan dhaqdhaqaaqooda, halka dowladdu ay bannaanbaxyada la barbar dhigtay “isku day afgambi”.

Dowladda waxaa ka go’an in ay ilaaliso nafta iyo hantida inta lagu guda jiro mudaaharaadyada, wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa ku sheegay bartiisa X Axadii shalay.

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo tan iyo bishii Juun 2024-kii, waxaana tobanaan qof lagu xiray si sharci darro ah.

Siyaasad ahaan, Madaxweyne Ruto oo la doortay 2022, ayaa weli haysta taageero adag, isagoo isbahaysi la sameystay hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn, Raila Odinga, iyadoo hada aysan muuqan murashax adag oo la tartama kahor doorashada soo socota ee 2027-ka.