Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Sabtidii sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay gacan ka geysan doonaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Itoobiya iyo Soomaaliya muranka u dhaxeeya ee halista gelinaya xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Itoobiya oo aan bad lahayn oo ay Soomaaliya ka joogaan kumannaan askari si ay ula dagaalamaan kooxaha Al-Qaacidda, ayaa ka cadhaysiisay xukuumadda Muqdisho qorshaha ay ku doonayso inay deked uga dhisto maamulka la baxay Somaliland.
Somaliland oo ku beddelanaysa dekedda helida qoonsi macquul ah oo ay ku doonayaan qaran ka madax bannaan Soomaaliya, waxay halgan ugu jirtay sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah inkasta oo ay iyadu iskeed isu maamusho oo ay ku naaloonayso nabadgelyo iyo xasillooni tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida 1991-kii.
Khilaafkan ayey Soomaaliya u soo dhawaysay Masar oo muddo sannado ah ku muransanaa Itoobiya biyo-xireenka weyn ee ay Addis Ababa ka dhisayso webiga Niil iyo Ereteriya oo iyaduna cadow ku ah Itoobiya.
“Sababta oo ah amniga Soomaaliya…wuxuu si weyn uga qayb qaadanayaa xasilloonida gobolkeenna, iyo deegaanka in maalgashadayaasha iyo ganacsatada iyo hal-abuurada ay horumaraan,” ayuu Ruto ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay shir madaxeedka madaxda bariga afrika.
Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka ka taagan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu guul dareystay in xal laga gaaro.
Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in Xasan Shiikh uu la kulmay Ruto iyo Museveni oo shir madaxeedka ka qeyb galayay, balse ma aysan soo hadal qaadin dhexdhexaadin laga yaabo in uu dhaco.
Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aamo ay horey u soo saareen Madaxda Maamul Goboleedyada ay u dhega nuglaatay Addis Ababa, balse uu ku kalsoon yahay in dadaalada dhex dhexaadinta ah ee uu Turkigu wado ay mira dhalaan.
Dowladda Itoobiya iyo afhayeenada arrimaha dibadda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsan in arrintan laga hadlo.
Horseed Media