Ciidamada amaanka ayaa xarumaha dowlada Kenya ku xiray silig kahor isu-soo-baxa sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii dibadbaxayaasha ka soo horjeeday Ruto ay gudaha u galeen baarlamaanka.

Warfidiyeenada ayaa lagu amray inay joojiyaan baahinta wararka tooska ah.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa Arbacadii xiray baarlamaanka iyo xafiiska madaxtooyada ee magaalada Nairobi, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u xusaan sannad ka dib markii ay dhaceen rabshado dad badan ay ku dhinteen oo la sheegay in ciidamo boolis ah oo dhar cad ah ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda.
Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay bishii June ee sanadkii hore kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dhaceen dibadbaxayaal ka careysan canshuur kordhin iyo dhaqaale xumo.
Iyadoo mudaaharaadyadii sannadkii hore ay aakhirkii hoos u dhaceen ka dib markii madaxweyne William Ruto uu ka laabtay hindise canshuureed oo muran dhaliyay, balse carada dadweynaha ee rabshadaha booliska ayaa weli ah mid sare. Dhimashada nin wax ku qora internet-ka oo ku dhintay xabsiga bilayska horaantii bishan ayaa sii kicisay xiisada.
Inta la xaqiijiyey 2 qof ayaa ku dhintay banaanbaxa maanta oo ay bilaysku awood u adeegsadeen, hase yeeshee inta bada dadka mudaharaadayey oo u badan dhallinyaro ayaa socod ku maray caasimadda Nairobi.
Qaarkood waxay lulayeen calanka qaranka, waxayna wateen boorar ay ku xardhan yihiin sawirrada dadkii lagu dilay mudaaharaadyadii sannadkii hore.
Waxa banaanbaxayaasha ku dhawaaqayeen “Ruto waa inuu tago”, taasoo muujineysa sida uu uga careysan yihiin madaxweynaha oo xukunka qabtay 2022-kii, iyagoo horey rajo uga qabay soo kabasho dhaqaale oo degdeg ah.
Gelinkii dambe ee Arbacada, Hay’adda Isgaarsiintu waxay mamnuucday in si toos ah loo tabiyo mudaaharaadyada TV-yada Kenya.



