Kenya oo ka hadashay weerar lagu qaaday qaar kamid ah degellada dowladda.

18 November, 2025

Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay jawaab ka bixisay weerar dhanka internetka ah oo koox isku…

Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay jawaab ka bixisay weerar dhanka internetka ah oo koox isku magacawday PCP@Kenya ku qaadday qaar kamid ah degellada iyo mareegaha xafiisyo katirsan dowladda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo, ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay habab u gaar ah si ay uga jawaabto shilalka noocaan oo kale ah oo ay u xakameyso xaaladda, iyadoo lala kaashanayo dhinacyada ay qusayso.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa cambaareeyay falkan lagu jabsaday, wuxuuna sheegay inay xadgudub ku tahay shuruucda Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu dhaqmo, oo ay ka mid yihiin Xeerka Ku-takri-falka internet-ka iyo Dembiyada Internetka, Xeerka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Kenya, iyo Sharciga Ilaalinta Xogta.

Kooxdaan burcad internetka ah ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta, Shaqada iyo Biyaha.