Dowladda Kenya ayaa qaadacday qorshe uu maamulka Somaliland xafiiskiisii Nairobi ee wakiilku ugu idmanaa ugu bedeleyso…

Dowladda Kenya ayaa qaadacday qorshe uu maamulka Somaliland xafiiskiisii Nairobi ee wakiilku ugu idmanaa ugu bedeleyso qunsuliyad diblumaasiyadeed, xilli uu Nairobi ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.
Kenya ayaa soo dhaweysey dib u habaynta xafiiska Somaliland ee Magaalada Nairobi, inkastoo ay sheegtay in xafiiskaas loo beddelay mid diblomaasiyadeed, taas oo aanay dowladda Kenya oggolayn maadaama aysan bixin ogolaanshahaasi.
“Kenya waxay hoosta ka xarriiqaysaa walaaca ay ka qabto munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysan oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda Kenya.
