Kenya oo Somaliland ka saartay liiska safaaradaha Afrika ee ku sugan dalkeeda.

31 May, 2025

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Kenya ayaa saxday liiskii safaaradaha iyo wakiillada diblomaasiyadeed ee ku sugan…

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Kenya ayaa saxday liiskii safaaradaha iyo wakiillada diblomaasiyadeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi ku sugan.

Tallaabadaan ay qaadday xukuumadda Kenya ayaa jawaab u ahayd kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey link ay kujiraan safaaradaha dalka ee deggan Muqdisho gaar ahaan qaaradda Afrika oo lagu daray magaca “The Republic of Somaliland”.

Guud ahaanba waxaa hadda Liiska laga saaray magaca Somaliland oo markii hore kujirey booska 20aad, taasoo dhalisay dood iyo falcelin badan, kadib markii ay dhawaan sheegtay inay dhawrayso madax banaanida Somalia.

LIISKA CUSUB