Siyaasi Aadan Barre Ducaale oo xilal kala duwan ka soo qabtay Kenya ayaa ka hadlay xiriirka…
Siyaasi Aadan Barre Ducaale oo xilal kala duwan ka soo qabtay Kenya ayaa ka hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Somalia iyo tubta heshiisiinta madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxda dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Siyaasi Aadan Barre Ducaae ayaa ugu horrayn xusay in Soomaaliya ay la leeyihiin xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, mid dhaqaale iyo iskaashi amni isla markaana sanadihii ugu dambeeyey la xoojiyey qadarinta loo hayo DFS iyo ilaalinta xiriirkooda saaxiibnimo, isagoo carrabka ku adkeeyey inay doonayaan Soomaalida oo yeelata dowlad xoog badan.
“Waan u baahanahay wayna noo baahan yihiin, ganacsi weyn ayaa naga dhexeeya, waxaanna weliba muhiimad siinaa inaanu ka noqono caalamka dadka raba in Soomaaliya degto oo waddan fiican noqdo”, Ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Dhanka kalena, Ducaale wuxuu xusay inay jiraan dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu dhex dhexaadinayo Villa Somalia iyo Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isagoo booqashadiisii Nairobi ku sifeeyey inay qayb ka tahay qorshahaasi.
“Arrinka Jubbaland iyo DFS waa in lagu xalliyaa hab diblumaasiyadeed, safarkiisu wuxuu kamid yahay diblumaasiyadda la wadey, Madaxweyne Xasan, Madaxweyne Rutto iyo Madaxweyne Madoobe imaanshihiisu waxay ahayd in laga tashado arrintaa sidii lagu xallin lahaa, welina waa furan tahay oo waanwaan ayaa socota, mowqifkeena waxaa lagu sheegay Caruusha, waxaanna ka dambaynaa DFS iyada ayaan la simanahay”, Ayuu yiri Aadan Barre.