Kenya oo war ka soo saartay socdaalka Cirro ee Nairobi iyo Madaxbanaanida Somalia.

26 May, 2025

Dowladda dalka Kenya aya markale ku celisey inay ka go’an tahay dhowrista madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo…

hassan iyo william ruto

Dowladda dalka Kenya aya markale ku celisey inay ka go’an tahay dhowrista madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu xusay in Kenya ay si aan leexleexad lahayn u aqoonsan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayna tahay hay’adda kaliya ee u xil saaran arrimaha dalkaasi.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Kenyaa ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu maanta u safray dalka Kenya, si uu ula Kulmo Madaxweynaha Kenya Waillim Ruto.