Maxkamad ku taal Kenya ayaa xannibtay xarun karantiil ah oo loo qorsheeyay muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo shacabka dalkaasi dhigeen banaanbaxyo looga soo horjeedo xaruntaas ayuu Madaxweyne Ruto dadka ku boorriyay inay “isdajiyaan”.

Maxkamada Kenya ayaa maanta oo Talaadda ah markale soo saartay amar lagu xannibayo xarun karantiil oo Mareykanka uu ku hayo muwaadiniinta Mareykanka, ee dalkaasi laga sameeyey.
Qorshaha muranka dhaliyay ee lagu dhisayo xarun 50 sariirood leh oo ku taal saldhig cirka oo ku yaal magaalada Nanyuki ayaa kiciyay dibadbaxyo toddobaadkan. Banaanbixii Isniintii shalay ka dhacay goobta xaruntaasi laga furayo ayey ku dhinteen 2 qof.
Shacabka Kenya ayaa si weyn uga cabsi qaba dadka la keeno xaruntaas ee qaba cudurka halista ah Ebola.

“Waxaan u xaqiijin karaa dadka Kenya in heshiiska u dhexeeya dowladda Kenya iyo dowladda Mareykanka uu yahay mid u wanaagsan dalkeenna iyo iskaashiga,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto. “Waxaan nahay dowlad mas’uul ah. Waan ognahay waxa aan sameyneyno. Markaa dadku waa inay isdajiyaan.”
Toddobaadkii hore, maxkamad ayaa si ku meel gaar ah u hakisay qorshayaasha xarunta kadib markii koox u doodda shacabka ay dacwad ka gudbisay oo ku eedeysay in xarunta si qarsoodi ah loo dhisayo.
Maanta, garsoore Patricia Nyaundi oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa soo saartay amar ka mamnuucaya dowladda Kenya inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku bilaabayso howlaha xarunta ka hor inta aan kiiska la xallin.
Waxay sidoo kale ku amartay dowladda inay shaaca ka qaaddo heshiiska ay la gashay Washington toddobo maalmood gudahood.



