Kenya: Tiradda dadkii ku dhintay mudaharaadka oo gaartay 31, halka tiradda dadka la xiray ay gaareyso 532

9 July, 2025

Xafiiska xuquuqul insaanka ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo dowlada kadib markii 31 qof la dilay, 107 kalena lagu dhaawacay banaanbaxyada.

Tirada dhimashada mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo ee Kenya ayaa kor u dhaaftay ugu yaraan 31 qof, guddiga xuquuqul insaanka ee dalka ayaa sheegay, iyadoo ugu yaraan 107 kale ay ku dhaawacmeen intii ay socdeen banaanbaxyadda dalka oo dhan.

Bayaan ay soo saartay Talaadadii, Komishanka Qaranka ee Xuquuqul Insaanka (KNCHR) ayaa sidoo kale ku sheegay laba qof la qafaashay kadib rabshadihii isniintii, kuwaas oo lagu xusayay kacdoonkii 1990-kii ee dhismihii nidaamka dimoqraadiga ah ee waddankaas.

Mudaaharaadyadan ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo sidoo kale magaalada Eldoret, iyadoo KNCHR ay ku eedeysay booliiska inay la shaqeeyaan kooxo hubeysan, kuwaasoo ku hubeysan baangado iyo waramo.

Waxaa sidoo kale jira burbur hantiyeed oo baahsan, oo ay ku jiraan dukaamada waaweyn oo la burburiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Kipchumba Murkomen ayaa todobaadkii hore u sheegay booliiska in ay ” toogtaan “qof kasta oo u soo dhawaada saldhigyada booliiska inta ay socdaan mudaaharaadyada, kadib markii horey dhowr loo gubay.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya, oo ah hay’ad dowladeed oo uu madaxwaynuhu magacaabo, ayaa Talaadadii ku booriyay siyaasiyiinta inaysan sii kordhin xiisadda qowmiyadeed, waxayna booliska ku dhaleeceeyeen inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dibadbaxayaasha.