Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay tacsida iyo aaska Raiisul…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay tacsida iyo aaska Raiisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Amolo Odinga oo ku geeriyooday dalka Hindiya. Madaxweyne Xasan oo ay wehliyaan Danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo xubno ka tirsan la-taliyeyaashiisa ayaa Muqdisho ka ambabaxay, isaga oo si toos ah u gaaray goobta lagu aasayay Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa horay uga tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya geerida Raila Odinga, isagoo sheegay inuu ahaa siyaasi weyn oo door muuqda ku lahaa dhismaha dowladnimada iyo xasilloonida Kenya. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Raila uu ahaa shaqsi kaalin weyn ku lahaa diblomaasiyadda gobolka iyo isdhexgalka Bariga Afrika.
Munaasabadda aaska waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax kala duwan oo ka socday dalalka Afrika, sida Madaxweynayaasha Ethiopia, Rwanda, iyo Madaxweynihii hore ee Tanzania Jakaya Kikwete.









