Khaliif “Dowladda Federaalka waxay dhisaysaa Hogaamiye Firdhiye”

28 August, 2025

Musharax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka…

Musharax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ku sheegay in ay si toos ah faragelin ugu hayso doorashada maamulka. Wuxuu sheegay in Dowladda ay taageero siineyso madaxweyne Firdhiye taas oo aan cadaalad ku dhisnayn.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay u aragto madaxweyne Firdhiye inuu yahay qof awood u leh inuu fuliyo danaha ay ka leedahay maamulka Waqooyi Bari, isla markaana taageerada dowladda ay qeyb ka tahay qorshe siyaasadeed oo gaar ah oo loogu talagalay in musharax gooni loo xusho.

Isagoo ka hadlay arrimaha maamulka cusub Cabdirisaaq Khaliif ayaa caddeeyay in cid kasta oo ka shaqaysa dhismaha Waqooyi Bari ay waajib ka saaran tahay ilaalinta madax bannaanida maamulka cusub ayna ka madax bannaan tahay faragelin dibadeed oo saameyn ku leh doorashada.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada ay taageerayaan Somaliland iyo Puntland wuxuuna ku adkeystay in ololihiisu uu ka madax bannaan yahay faragelinta maamulada deriska ah isla markaana taageerada uu helayo ay ka imaaneyso bulshada deegaanka.

Musharax Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ka digay olole uu sheegay in lagu sumcad dilayo isaga oo uu sheegay in kooxo gaar ah ay lacag ku bixiyeen eedeymo lagu wiiqayo sumcaddiisa iyo taageeradiisa siyaasadeed, isagoo caddeeyay in faragelinta Dowladda ay qayb ka tahay isku daygaas balse uu ku kalsoon yahay in bulshada Waqooyi Bari ay garan doonto xaqiiqda.