Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya malayshiyaad ka soo kala jeeda beelo…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya malayshiyaad ka soo kala jeeda beelo ood-wadaag ah oo shalay ka dhacay deegaamada Carmale iyo Daarasalaam ee bariga gobolka Sanaag.
Dagaalkaan oo laysu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 ruxuu iyadoo intaasi tiro ka badana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalkaani uu la xiriiro deegaamayn lagana cabsi qabo inuu markale dib u bilowdo maadaama aysan jirin cid ilaa hadda si toos ah u kala dhex-joogta labada dhinac.
Horay waxaa deegaanka Carmale uga dhacay kulamo lagu doonayey in lagu soo afmeero xurgufo horay usoo dhexmaray labada dhinac, waxaana guurtidu ku baaqayaan in dhinacyadu nabadda u hoggaansamaan.



