Khasaare ka dhashay is-rasaasayn ka dhacday kantaroolka Garoowe.

22 March, 2025

Inta la xaqiijiyey 2 ruux oo mid kamid ah katirsanaa ciidanka ammaanka gobolka Nugaal ayaa ku…

Inta la xaqiijiyey 2 ruux oo mid kamid ah katirsanaa ciidanka ammaanka gobolka Nugaal ayaa ku geeriyoodey 6 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey is rasaasayn saaka ka dhacday kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe.

Israsaasayntaan ayaa bilaabatay kadib markii ciidanka boolisku isku dayeen inay horjoogsadaan laba gaari oo kayimid magaalada Boosaaso mid kamid ahna horay looga dhacay Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa HM u xaqiijiyey in dhaawacyada uu kamid yahay taliyihii garoonka diyaaradaha iyo kantaroolka Bari ee Garoowe Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Xirsi.