Khasaare maal iyo mid nafeed oo aad u xooggan ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay roobab…

Khasaare maal iyo mid nafeed oo aad u xooggan ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay roobab mihiigaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Roobabkaan oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa khasaare gaarsiiyey qoysas dadnyar u badan oo qaarkood ku dumeen guryihii ay degganaayeen, halka kuwa kalena ay biyo soo rogmey guryaha ku buux dhaafiyeen.
Qaar kamid ah qoysaska danyarta ah ee kunool xaafadaha qaar ayaa dhibaato xooggan la kulamay iyagoo aan haysan meel ay ka galaan dhibicda roobka iyo cid la tacaasha xaaladaha caafimaad darro ee biyuhu sababaan.
Dhanka kalena, waxaa burbur xooggan soo gaarey qaar kamid ah waddooyinkii laamiga ahaa ee dhowaan farta laga jaray iyo kuwii horay u dhisnaa, waxaana ka mid ah Isgoosyada Soobe iyo Banaadir iyo wadooyin kale.