Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa si adag uga hadlay marxaladda kala guurka…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa si adag uga hadlay marxaladda kala guurka ah ee Somalia, arrimaha doorashooyinka, khilaafyada siyaasiga ah iyo qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka qof iyo cod.
Xasan Cali Khayre, waxa uu sheegay in dalku uusan aqbali karin firaaq dastuuri ah loona baahan yahay doorasho wadar ogol ah oo waqtigeeda ku qabsoonta xilli ay muddo kooban ka dhimman tahay xilligii doorashada barlamaanka iyo madaxtooyada.
Dhanka kalena, Xasan Cali Khayre ayaa xusay in doorashooyinka qof iyo cod ay yihiin ajande qaran oo shaqo badan u baahan si looga gaaro haseyeeshee ay madaxda dowladdu sanadkoodii ugu dambeeyey ka dhigteen waddo ay muddada ku kororsadaan.
“Doorasho qof iyo cod ah waa hiigsi qaran oo u baahan diyaargarow iyo hawl adag, balse madaxda dowladdu waxay ka dhigteen tab iyo xeelad ay u isticmaalaan muddo-kororsi aan laga aqbali doonin”, Ayuu yiri RW Xasan Cali Khayre.



