22 June, 2020
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Guddiga qaban-qaabada xuska…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee Todobaadka xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka June iyo 1da July.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin la xariirta hannaanka ay ugu diyaar garoobeen weyneynta munaasabadaha soo socda ee lagu xusayo sanad guurada 60-aad.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga ku bogaadiyay inay dardargeliyaan howlaha baaxadda leh ee horyaalla.
HORSEEDMEDIA