Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay soo-jeedintii Golaha Mustaqbalka ee ahayd in talada dalka lagu wareejiyo Gole…

Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay soo-jeedintii Golaha Mustaqbalka ee ahayd in talada dalka lagu wareejiyo Gole Ku-meel-gaar ah ayaa horseeday kala qaybsanaan ka dhex bilaabatay garabyada mucaaridka Soomaaliya. Arrintan ayaa sababtay in Xisbiga Awoodda Shacabka uu si rasmi ah uga baxo Isbahaysiga Midowga Haybad Qaran.
Go’aanka Xisbiga
Bayaan rasmi ah oo uu xisbigu soo saaray 1-da August 2026 ayaa lagu sheegay in go’aanka ka bixitaanku uu yimid kadib warqad uu Golaha Mustaqbalka soo saaray 28 July 2026, taas oo lagu soo jeediyay in talada dalka lagu wareejiyo Gole Ku-meel-gaar ah.
Xisbiga ayaa sheegay inuusan la qaadan karin aragtidaas, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imanaysa hannaanka dowladnimada iyo dastuurka dalka, wuxuuna u sababeeyey dhawr arrimood oo kala ah.
- Dib u dhac dowladeed: Xisbigu wuxuu sheegay in soo-jeedinta Golaha Mustaqbalka ay Soomaaliya dib ugu celin karto marxaladihii ku-meel-gaarka ahaa, isla markaana ay dhaawacayso dowladnimada la dhisay muddo ka badan 15 sano.
- Mowqif la’aan: Waxa uu xisbigu ku eedeeyay Isbahaysiga Midowga Haybad Qaran inuusan qaadan mowqif cad oo ka dhan ah soo-jeedintaas, isla markaana uu ka gaabiyay difaaca hannaanka dowladeed.
- Ixtiraamka dastuurka: Xisbiga ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wixii isbeddel siyaasadeed ah lagu maro waddooyin waafaqsan dastuurka iyo sharciga dalka.
Kadib ka bixitaankiisa madasha siyaasadda, Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa caddeeyay in tallaabadaasi aysan ku salaysnayn colaad siyaasadeed ama khilaaf shakhsiyeed, balse ay tahay go’aan ku salaysan mabda’.
“Go’aanka Xisbiga Awoodda Shacabka kaga baxay Midowga Haybad Qaran ma ahan mid ku salaysan colaad iyo naceyb siyaasadeed balse waa go’aan ku salaysan mabda’, masuuliyad qaran iyo inaan aaminsan nahay in Danta Qaranka ay ka weyn tahay danta Isbahaysi kasta”, Ayaa lagu yiri bayaanka.





