Khilaaf ka dhex aloosan Villa Somalia iyo Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin (Ilkacase), iyada…

7 May, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin (Ilkacase), iyada oo xilkaas u magacowday Col. Maxamed Daahir Cabdulle oo mid ah ahaa saraakiisha Villa Somalia.

Intaas kadib, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray weergto uu isna taliyaha Booliska Galmudug ugu magacaabay Khaliif Ilkacase oo ah taliyihii ay dowlada Federaalka xilka qaadista ku sameysay.