Khilaaf ka dhex taagan Safaarada Soomaaliya ee Tanzaniya iyo Kenya.

11 September, 2025

Muddooyinkii dambe waxaa siweyn u soo ifbaxayey khilaafka u dhexeeya Mas’uuliyiinta ugu sarreeya safaaradaha ay dowladda…

Muddooyinkii dambe waxaa siweyn u soo ifbaxayey khilaafka u dhexeeya Mas’uuliyiinta ugu sarreeya safaaradaha ay dowladda federalka ah ee Somalia ku leedahay dalalka Kenya & Tanzania ee qaaradda Afrika.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya sahmin ganacsi macdaneed oo ay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Kenyan ah ka samaynayaan qaybo kamid ah dalka DRC Cong, kadib wadashaqayn dhexmartay safaaradda Somalia ee Kenya.

Tallaabadaan ayaa waxaa siweyn uga hortimid safaaradda Somalia ee Tanzania oo shaacisay inay jamhuuriyadda Somalia mas’uul uga tahay arrimaha DRC Maadaama aysan xilligaan shaqayn safaaraddii Soomaalida ee dalkaasi.

”Safaarada JFS uqaabilsan dalka Tanzania 🇹🇿 waxay cadeeyneysaa in Congo DRC 🇨🇩 ay Dowlada Federalka Soomaaliya iyada masuul uga tahay Danaha Dowlada iyo Dadka, Safarka lasheegey inuu Safiirka Kenya wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaaliyeed kutagey Kinshasa, haba yaraatee Safaarada uusan lasoo wadaagin xogta Safarkiisa iyo Ujeedkooda taas oo ah mid kabaxsan Sharciga Diplomacy yada iyo kan Arimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda”.Somali Embassy in Dar es Salaam- Tanzania