Urur-siyaasadeedka Hormar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan…

Urur-siyaasadeedka Hormar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa qaadacay isbeddel lagu sameeyey natiijadii hore ee doorashooyinkii golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Urur-siyaasadeedka oo horay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir uga helay 2,968 cod ka helay degmada Waaberi, ayaa guddiga doorashooyinku ku wargeliyeen in natiijadiisi ay qalad ahayd uuna codadkaasi lahaa Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Natiijada cusub ee Guddiga Doorashooyinka ayaa muujisay in Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran ee Shariif Xasan uu helay 407 oo kaliya, taasi oo muujinaysa daahfurnaan la’aanta doorashooyinka.
Dhanka kalena, waxaa soo baxaya urur-siyaasadeedyo kale oo dood ka keenay natiijada ay ka heleen doorashada iyo qaar sheegay inay dacwad u qoranayaan maxkamadda sare.
Guddiga Doorashooyinka ayaan weli ku guuleysan inay qanciyaan ururada ka qeyb galay doorashadii Golaha degaanka Gobolka Banaadir, waxayna dood culus ka taagan tahay sida xisbiyada loogu qeybinayo kuraasta ay ka heleen degmo kasta.



