Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay waxka-bedelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia ayaa meel sare gaarey,…

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay waxka-bedelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia ayaa meel sare gaarey, xilli ay sii kordhayso tirada xildhibaanada barlamaanka labada ee diiddan meelmarinta waxka-beddelkiisa.
Waxaa saacadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho laga wadey kulamo, abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ee ka soo horjeeda waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Horay waxaa arrintaani u diidey xildhibaanada mucaaradka, kuwa maamulada Puntland iyo Jubbaland & kuwa golaha mustaqbalka Soomaaliyeed qaybta ka ah, waxaana hadda ku soo biiray wakiilada deegaamada Koonfur Galbeed Somalia.
Xildhibaanada deegaamada Koonfur Galbeed ayaa qabtay kulamo ay ku midaynayaan aragtidooda ku aadan waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, xilli Arbacada loo ballansan yahay ansixinta cutubyada wax laga beddeley ee dastuurka.



