Khilaaf ka taagnaa kulliyadda ciidamada ee Carmo oo xal hordhac ah laga gaarey.

11 July, 2025

Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xal hordhac ah laga gaarey…

Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xal hordhac ah laga gaarey khilaaf mushahar la’aan ka dhashay oo ka taagnaa kulliyadda tababarada ciidamada booliska Soomaaliyeed ee degmadaasi.

Guddi ka socda dowladda Puntland iyo ciidamada kujira kulliyadda ayaa isku afgartay qodobo hordhac ah oo xal u noqon doono muran maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa kulliyadda ciidanka ee Carmo.

1: In bishaan July ee hada socota loo bilaabo ciidanka mushaharka ay xaqa u leeyihiin.

2: In adeegga daawada iyo cunada ay wax ka bedelayaan, sidoo kalena ay keenayaan dhakhaatiir dugsigga ka hawl-gasha.

3: In dhalinyaradii dhaawacu soo gaaray maalinkii gadoodku dhacay ay xaaladooda caafimaad la wareegayso dawladu.

4: In kooxdii hore ee tababarka hawl-socod siintiisa masuulka ka ahayd aan keligood lagu daynayn oo kor lagala socon-doono, maadaama khaladaad badan xagooda loo tirinayo.

5: In ciidanku inta u hartay ee tababarka ay dhamaystaan. sidoo kalena ay awaamiirta la farayo u hoggaansamaan.